Toronto District School Board
Toronto District School Board

Online Code Of Conduct

Xeerka Hab-dhaqanka ee Onlaynka ah

Guddida Dugsi Degmeedka Toronto (TDSB) waxa ay bixisaa hab onlayn ah iyo khayraad ay isticmaalaan shaqaalaha iyo ardayda. Khayraadka onlaynka ah waxa kujira dhammaan walxaha kuwaasi oo loo isticmaali karo kombuyuutar ama shabakad isgaadhsiineed.

Dhamman siyaasadaha, hababka, xeerarka hab-dhaqanka iyo xeerarka TDSB waxa ay ku haboon yihiin kuwan loo isticmaalo habab onlayn ah iyo khayraadka uu bixiyo ama iyada oo la eegayo TDSB. ‘‘Code of Online Conduct’’ waxa uu ku haboon yahay isticmaalka siistamka onlaynka ah iyo khayraadka. Xeerkani waxa loo diyaariyay si uu u ilaaliyo xuquuqaha iyo badbaadada dhammaantood.

TDSB waxa ay qaadataa qiyaas haboon si ay u hubiso ammaanka qalabka iyo macluumaadka laga yabo inay kujiraan iyaga. TDSB waxa ay kaydisaa xaqa lagu ilaaliyo isticmaalka khayraadka onlaynka ah kuwaasi oo dhammaan galaangal u leh siistamka.

1) Xeerarka Badbaadada Shakhsiga

  • Waligaa ha u sheegin macluumaad ku saabsan shakhsiyadaada ( sida magacaaga, ciwaankaaga, lambarka telefoonkaaga, da’daada, sharaxida muuqaal ahaan ama dugsigaaga) qariibka kuwaasi oo kugula kulmi kara onlayn. Si lamid ah, ha ku sheegin macluumaadkaas oo kale goob dadweyne oo onlayn ah halkaasi oo aanad garan karin qof kasta oo arki kara macluumaadka  
  • Waligaa haku sheegin macluumaadka shakhsiyadeed onlayn ilamaa aad haysato oggolaanshahooda aanad og tahay in macluumaadka aan loo isticmaali karin ujeedooyin dhibaato leh.
  • Waligaa ha u sheegin lambarkaaga sirta ah qofna.
  • Waligaa ha u dirin sawir adiga ah, qof kale ama koox aad kuwada jirtaan shabakad elektaroonik ah iyada oo ayna jirin oggolaanshiyo hore oo lasii ogaysiiyay dhammaan shakhsiyaadka lugta kuleh iyo, kiiska yar, inay og yihiin waalidiintooda ama wakiilkooda.
  • Si dag-dag ah ugu sheeg macalinka fariin kasta ama codsi kasta kaasi oo aad hesho  kuna dhibaya ama kuusoo jeediya xidhiidhk sakhsiyeed adiga.
  • Waligaa ha daabicin taariikho gaar ah, wakhtiyo iyo meelo ee safarada dadka kuwaasi oo si toos ah u oggolaan macluumadkan oo kale ama kulamada dadka halkaasi oo dad aan la garanayn ay heli karaan macluumaadka.

 

2) Goobaha iyo Walxaha aan La aqbali karin

Shabakad adduun sida Internetka oo kale suurtagal ma aha in si aad ah loo kaantaroolo waxa kujira macluumaadka. Wakhtiyadaa, isticmaalayaasha siistamyada onlayn ka ah waxa ay la kulmi karaan waxyaalo Lagu muransan yahay kuwaasi oo isticmalayaal kale, waalidiinta ama shaqaaluhu ay u tixgali karaan  waxaan haboonayn ama dhaqan xumo ah. Waa masuuliyada shakhsiga isticmaalaha ah in si ku talagal ah aanu galaangalgal ugu yeelan walxahan oo kale.  Haddii waxyaalahan galaagal loogu yeesho si aan u kas ahayn, dhacdada waa in si dag-dag ah loogu gudbiyaa macalin ama haayad ku haboon.

Guddida Dugsi Dagmeedka Toronto waxa ka go’an inay la kulanto waajibaadka Heshiiska Canada ee Xuquuqaha iyo Xoriyadaha ee Xeerka Xuquuqda Bini aadamka Ontario isaga oo bixinaya dugsiyo ammaan ah iyo goobo shaqo kuwaasi oo tixgalinaya xuquuqda shakhsi kasta. Midab takoorka iyo handadaada loo dulqaadan maayo. Wax la aqbali karo maaha in la isticmaalo siistam onlayn ah in iyada oo la ogyahay galaangal loogu yeesho meelaha, halkaasi oo ay kujiraan waxyaalo madib takoorid ah ama handadid.

Isticmaalayaasha siistamka onlaynka ah ee TDSB iyagoo og galaangal u yeelan maayaan, ablowdh garayn maayaan, soo dajin maayaan, kaydin maayaan, soo bandhigi maayaan, qaybin maayaan ama daabici maayaan macluumaad kasta kaasi:

  • Sharci daro ah ama kaasi oo sare u qaadaya ficilada sharci darada ah ama waxyaalaha sharciga jabinaya;
  • Hanjabaad ama ka cabsiin shakhsi uun ama soo jeedin dhibato, nacayb ama midab takoor ku waajahan dadka kale;
  • Isticmaalka dhaqamo aan haboonayn iyo/ama luuqad xun;
  • Kujiraan farriimo diimeed ama siyaasadeed oo aan haboonayn
  • Jabinaya ama khilaafaya xuquuqaha shaksi kale iyada oo la raacayo siyaasadaha Guddida Dugsi Dagmeedka Toronto, Siyaasadaha Wasaaradaha Waxbarashada, Xeerka Xuquuq Bini Adamka ee Ontario, ama Heshiiska Canada ee Xuquuqda iyo Xoriyada;
  • Jinsiyad ahaan, dhaqan ahaan ama diin ahaan xun;
  • Dhiirigaliya isticmaalka walxaha la kaantaroolay, ka qayb qaadashada xeerka sharci darrada ah ama u isticmaalka siistamka in lagu dhiirigaliyo ficilada danbiga ah. ;
  • Ah wax xun, dhaqan xun, cay, caayid diin, sawiraan xun ama sexually explicit nature;
  • Ay kujiraan macluumaad shakhsiyadeed, sawiro,ama saxeex shakhsiyaad iyaga oo aan ogaysiin oggolaanshahooga;
  • Fariimo ka kooban xad gudub shukaansi ama ay kujiraan muusig jacayl muujinaya;
  • In la waydiiyo isticmaale kasta oo ku hadlaya magaca  ganacsi uun ama urur ganacsi isaga oo aan haysan oggolaanshiyo haboon;
  • Taageera iimaylka ganacsiga ah, iimaylka qashinka ah ama ‘‘wasakhda ah";
  • Faafiya warqadaha, ama hadhaaga iimayl kale;
  • Isku daya inuu qariyo, dhalan rogo ama been ka sheego dhalashada diraha.

 

3) Isticmaal Hagayaasha

Dhammaan isticmaalayaasha siistamka onlaynka ah ee TDSB waxa ay qaban doonaan kuwan soo socda:

  • Waxa ay sii wadi doonaan isticmaalka adeegyada onlayn ka ah xaddidyo macquul ah iyada oo la raacayo wakhtiga iyo xaddiga macluumaadka lagu gudbiyay siistamka. Isticmaalka badan ee siistamka waxa ay xumayn karaa adeegyada dhammaan isticmaalayaasha (tusaale. dirista iimaylo badan oo ah dhokumentiyo fara badan ama gudbinta faylal farabadan wakhtiyada isticmaalka siistamka ee ugu badan).      
  • Usoo gudbinta haayada ku haboon dhibaato kasta oo ku dhacda siistamka ama macluumaadka siistamka in dhaawacaa ay sababtay si shil ah ama u kas ah.

 

4) Hawlaha iyo Isticmaalada la Mamnuucay

Dhammaan isticmaalayaasha siistamka onlaynka ah ee TDSB ma samayn doonaan kuwan soo socda:

  • Sawirid, soo dajin, rakibid ama inay fayras kusii daayaan iyo waxyaalo kale oo aan haboonayn ama aan la oggolayn sida gaym, faylal, qoraalada hadalka, habka qoraalada,ama linkiga laybareeriga (DLL’s) oo ka yimiday meel uun.
  • Ku sababida dhaawac koombuyuutar uun iyo/ama qalab ay kamid yihiin, laakiin aan ku koobnayn haadhweerka koombuyuutarka, qalabka guryaha, borojektor, xidhiidhiyayaasha, teebabka, qalabka kaydinta (tusaale.disk drives), iyo  qalabka tilmaanta (tusaale.mice)
  • Dhaawicida ama masixida faylasha ama macluumaadka uu leeyahay qof uun  oggolaanshiyo la’aan.
  • Isticmaalka xisaabta qof kale ee siistamka.
  • Sababida isitcmaale inuu lumiyo galaangalkiisii siistamka – tusaale ahaan, iyada oo la joojinayo siistamka ama la baddelayo lambarka sirta ah oggolaanshiyo la’aan.
  • Furitaanka kiiska kombuyuutarka, dhaqaajinta kombuyuutar,  faraha la galida xadhkaha koombuyuutarka ama xidhiidhkaa bilaa oggolaanshiyo.
  • Ku lifaaqida qalab aan la oggolayn kombuyuutar ama shabakad. Qalabkaas waxa kujira laakiin kuma xaddidna kombuyuutarada la qaadi karo, disk drivers, falanqeeyaha hab maamuuska ama qalab elektaroonik ama makaanik. Dhaqaajinta, sawirida,ama wax ka baddelida faylka siistam kasta ama habka kombuyuutar kasta, server ama qalab kale bilaa oggolaanshiyo.
  • Iskula heshiiya ama kula heshiiya kuwa kale sawirida macluumaad aan la oggolayn, shaqo ama software ay leeyihiin kuwa kale, kuna dhiirigalinaya kuwa kaleinay fadeexeeyaan koombuyuutarka ama shabakada, soo bandhigaan, gudbiyaan ama wadaagaan waxyaalo aan haboonayn. Budhcadnimada software ka iyo sawirida aan la oggolayn ee waxyaalaha ay leeyihiin kuwa kale waxa loo tixgaliyaa tuuganimo.
  • Sawirida, gudbinta ama isticmaalida faylasha, barnaamijyada ama macluumaad kale oo ay leedahay TDSB sabab uun ilamaa diwaangaliyuhu uu si gaar ah u oggolaado ficaladan oo kale.
  • Isku dayida jabsiga shabakada TDSB iyada oo la jabinayo ammaanka, iyada oo loo dhacayo diiwanadii galaangalka ulahaa bilaa oggolaanshiyo ama nooc kale oo kasta oo carqladayn ah.
  • Qaadashada fikradaha, qoraalka ama fariimaha kuwa kale iyo in loosoo bandhigo sidii kuwaagii ay yihiin. Sharciyada xuquuqda daabacadaada, dhammaan macluumaadku waxa baaqi ku ahaanayaa hantida abuuraha/qoraaga sidaa daraadeed oggolaanshiyo ayaa loo baahan yahay isticmaalkeeda. Isticmaalka waxyaalaha xuquuqda daabacaada leh oggolaanshiyo la’aan waxa ka dhalan kara ficil sharci ah.

 

5) Dhibaatooyinka

Isticmaalka aan haboonayn ee galaangal u yeelashada ardayda iyo shaqaaluhu waxa ka dhalan kara ficil anshax marin ah kaasi oo ay kujiri karaan ficil sharci ah iyo/ama saamaynta booliis.

6) Daabacaada Onlaynka ah

Macluumaadka lagu daabaco internetka ama intranetka waxa ay gaadhi kartaa malaayiin dad ah kuwaasi oo aan inta badan la aqoon daabacayaashii saxda ahaa.  Sababtan daraadeed, waxa muhiim ah in la joogteeyo macluumaadka taasi oo lagu daabacay qalabka Guddida Dugsi Dagmeedka Toronto.

  • Daabacaada elektaroonika ah ee macluumaadka iyada oo la isticmaalayo qalabka TDSB waxa ay mawduuc u tahay dhammaan siyaasadaha iyo hagayaasha TDSB.
  • Linkiyada ka yimiday goobaha Guddida Dugsi Dagmeedka Toronto ee goobaha dibada waa in si taxadir leh loo doortaa waxa ayna mawduuc  u yihiin istaandar isku midka ah tayada kujirta goobahaTDSB.
  • Habka la xidhiidhka daabacaha ee ururinta macluumaadka (sida websayt) wa in si aad ah loogu caddeeyaa shaashada furitaanka ee ururinta.
  • Macluumaadka lagu daabacay onlayn waa in lagu ilaaliyaa sida uu yahay iyo si sax ah isagoon lahayn isku day baraarujineed oo uu si qaldan u hogaaminayo akhristaha.
  • Macluumaadka qofka sida ciwaanka shakhsiyadeed, lambarada telefoonka, sawirada shakhsiga ama kooxda, ama saxeexa laguma daabici karo bilaa oggolaanshiyo aan lasii wargalin iyada oo la tixraacayo habka TDSB.
  • Badbaadada ardaydayada, dugsiyada ama waaxaha waa inaan la daabicin taariikho cayiman, wakhtiyo iyo goobaha socdaalada mustaqbalka.
  • Dugsiga ku haboon ama waaxda maamulka ayaa ka masuul ah hubinta in dhammaan shaqada la daabacay ay tahay tii asalka ahayd laguna caddeeya xuquuqda daabacaada cida abuurtay  lahaanshiyaha xuquuqdana si cad loo muujiyay.
  • Xayaysiinta TDSB kasta lana xidhiidha daabacaada elektaroonik ah waxa ay mawduuc u tahay ansixinta sarkaalka kormeerka ee ku haboon.
  • Dhammaan bayjajka websaytyada ee lasoo galiyay internetka waa inay la xidhiidhaan goota rasmiga ah ee xarunta Guddida Degmo Dugsiyeedka Toronto.
  • Dhammaan boggaga websaytyada ee martida u ah goobta xidhiidhka  TDSB ama bixiya TDSB waxa loo tixgalinayaa hanti TDSB.

 

7) Dayn

Guddida Degmo Dugsiyeedka Toronto ma sameeyo wax damaanad ah nooc kasta, la muujiyay ama la dadbay, iyada oo la tixgalinayo khayraadkeeda ama adeegeeda onlaynka ah, hawlgalada sii socda e adeegyadan , qalabka iyo waxyaalaha la isticmaalay iyo awoodahooda, ama ku haboonaanshaha, iaalinta iyo badbaadada barnaamij ama fayl kasta oo lasoo galiyo siistamka TDSB ujeedo kasta oo loogu talagaly.

 

© 2014 Toronto District School Board  |  Terms of Use  |  CASL