Toronto District School Board
Toronto District School Board

Kindergarten Registration

Diwaangalinta Dugsiga Barbaarinta

Barbaarinta Hoose

Haddii ilmahaagu uu afar jir noqon doono Diisambar 31, 2014, isaga ama iyadu waxa ay bilaabi kartaa  barbaarinta hoose Sibtambar 2014. 

Barbaarinta Sare

 Haddii ilmahaagu uu shan jir noqon doono Diisambar 31, 2014, isaga ama iyadu waxa ay bilabi kartaa barbaarinta sare Sibteembar 2014. 

Sida la isku diiwaangaliyo

Diwaangalinta dhammaan barnaamijyada barbaarinta TDSB waxa ay bilaabmayaan Febarweri. Waxa aanu u eegaynaa halka hore si aan adiga iyo ilmahaaga kuusoo dhawayno!

Talaabbada 1 – Hel dugsiga deegaankaaga.

Talaabada  2 – Booqo dugsiga deegaankaaga keena dhokumentiyadan soo socda:

  • Caddaynta da’da (shahaadadii dhalashada ama baasaaboor)
  • Caddaynta ciwaanka (laba qaybood oo ah caddayn kaasi oo muujinaya ciwaankaaga, sida biilka telefoonka)
  • Caddaynta tallaalka (kaadhka muujinaya liiska irbadaha uu ilmahaagu helay)
  • Caddaynta taariikhda soo galista, haddii ilmahaagu uuna ku dhalan Canada. Qoysaska kuwaasi deganayaal joogto ah  dalbadayaasha qaxootigu waxa ay si toos ah isaga diiwaangalin karaan dugsiga. Carruurta aan lahayn xaalad qaxoonti waxa lagu soo dhawaynayaa dugsigayaga macluumaadka ku saabsan iyaga iyo qoyskooda lalama wadaagi doono haayadaha qaxoontiga. Si aad isku diiwaangaliso, fadlan booqo Barnaamijyada Caalamiga ah iyo Xafiiska Oggolaanshiyaha ee 5050 ee Sakada Yonge, ee waraaqda oggolaanshaha TDSB.

Fadlan ogsoonaw: kaliyaata waalidiinta iyo wakiilada sharci ayaa ilme u diiwaangalin kara barnaamijyada TDSB.

Macluumaad dheeri ah 

Booqo linkiga barbaarintayada iyo bogga Khayraadka si aad u ogaato in badan oo ah barnaamijyada TDSB, ayna kujiraan hagayaasha guriga ee u diyaarinta ilmahaaga dugsi.

Ma waxa aad xiisaysaa dalabka dugsi aan ahayn mid u adeega ciwaanka gurigaaga? Ka akhri Imaanshahaaga Ikhtiyaariga ah.

Wax ka baro barnaamijyadayada Barasahda Faransiiska e Hore. 

Wakhtiyada gaarka ah iyo taariikhaha, fadlan la xidhiidh dugsiga deegaankaaga.

 

© 2014 Toronto District School Board  |  Terms of Use  |  CASL