Toronto District School Board
Toronto District School Board

Home Tips

Dugsiga Xanaanada

TDSB

Talooyinka Guriga: Isu Diyaarinta Dugsiga Su'aalahaBadanaaLeys Weydiiyo

Bilaabidda dugsiga waa waqti wanaagsan, waxayna matashaa mid ka mid ah waxyaabaha kowaad ee cunugaada. Guddiga Dugsiga Dagmada Toronto, macaliimiinta waxay la shaqeyaan cunug kasta si loo hubiyo in ay ku guulestaan dugsiga.

Waxaa jira waxyaabo badan aad ku samayn kartid guriga si aad bilaabidda dugsiga uga dhigtid waayo ku abaal mariya. Marka aad cunugaada ku dhiirigelisid in uu isku dayo hawlo iyo waayo cusub, weyddiisid ugana jawaabtid su'aalo, waxaad kaalmo ka geysata dhismaha aasaas adag oo laga guulyesto dugisga.

Maalinta kowaad dugsiga ka hor, qaado waqti aad dugsiga ula timaaddid cunugaada si waddada aad ku tageyso dugsiga, dhismaha, iyo agagaarku u noqdaan meelo aad taqaanid.

Halkan waxaad ka heli doontaa talooyin kugu kaalmeeya isu diyaarinta waayo-aragga hore ee dugsiga...

Dugsiga Carruurta Waxay:   Marka Aad Joogtid Guriga Waxaad:
 La kulan dad iyo xaalado cusub.   Cunugaada ha ku lug yeesho xaalado cusub ay kula kulmi doonaan dad cusub (taasoo ah, booqashada mid ka mid ah Xarumahena Akhriska Qoyska iyo Waalidka TDSB (TDSB Parenting and Family Literacy Centers) ama tagidda maktabka waqtiga sheekada).
 Waxaad carruuta kale iyo dadka waaweyn gaarsiisaa baahida.   Ku dhiiri geli cunugaada in uu isticmaalo luqad si uu u sheego baahidiisa/baahideeda (tusaale ahaan tagidda meesha leysku dhaqo, helidda cabbitaan.
 U labbis si ay ugu cayaaraan dibadda una tagaan guriga.   Ku dhiirigeli cunugaada in uu si madax bannaan u qaato dharka (tusaale ahaan, jaakada ama saraawiisha barafka).
 Dooro (tusaale ahaan fasalka, alaabta la isticmaalo).  Ku kaalmee cunugaada in uu wax doorto (tusaale ahaan, labbiska la qaato, hawlaha la sameeyo).
 Caruurta kale la qeybsado alaabta iyo boosaska.  Sii cunugaada fursad uu kula joogo carruur kale, la qeybsado, iyo in uu qaato tookadiisa.
 Baro caadiga fasalka iyo dugsiga. Waxay bilaabi doonaan in ay qaataan mas'uuliyadda ka saaran alaabta iyo waxa ay leeyahiin.  Ku dhiirigeli cunugaada in uu dhageysto tilmaamaha iyo Kala soco waxa laga filaayo. Ku kaalmee cunugaada in uu qaato xoogaa mas'uuliyada (tusaale ahaan in uu xereeyo alaabtiisa iyo waxa uu leeyahay).
 Dhageyso sheekooyinka, gabayada, iyo macluumaadka. Waxay fiirin doonaan, waxay ka hadli doonaan, iyo waxay akhrin doonaan keligood iyo iyaga oo la jooga dad kale.  U sheeg sheekooyinka, gabayada, iyo u heeso heesooyinka luqadaada. Wax u akhri cunugaada kana hadal sawirada, fikradaha, iyo erayada. Tilmaan calaamadaha, erayada iyo nambarada guriga iyo bulshada. Wada taga maktabka.
 Fiiri dadka waaweyn iyo carruurta kale oo ujeedooyin kale wax u qoraaya. Waxay isticmaali doonaan alaab sida karayoonka, calaameeyeyaasha, iyo laabisyada xagga sawirada iyo qorista fikradahooda.  Waxaad cunugaada ka qeybgelisaa sawirrada iyo qorista hawlaha maalinimada guriga (tusaale ahaan kaararka, saxiixa magaca, sawirrada la sawiro). Ammaan iskudayidda cunugaada si uu wax u sawiro una qoro. Kala hadal magaca cunugga iyo xarfaha ku jira.
 Sahan ku samee dabiicadda dunida iyaga ku wareegsan iyo kala hadal waxay ay arkaan iyo bartaan.  Kala hadal cunugaada waxyaabaha aad aragid iyo ka maqashid dibadda iyo waxyaabaha ka socda bulshada. Tilmaan waxyaabaha (tusaale ahaan, isbaddalada cimilada, xilliyada ama meelaha).
 Baro nambarada, qaababka, saasaanka, qiyaasta, iyo cabbirka. Waxay ku hadli doonaan fikradahooda iyo waxa ay bartaan.  Kala hadal nambarada, qaababka iyo saasaanka guriga iyo dibadda. Wada cayaara (iswaafajinta iyo tirinta, kaararka, cayaaraha boorarka fudud). Marka aad karineysid, cunugaada ha kugu kaalmeeyo waxyaabaha lagu daro cabbirka. Waxaad cunugaada ka qeybgelisaa kala soocidda (tusaale ahaan, alaabta carruurta ku cayaraan, dharka, xareynta raashina).
 Samee fanka, sahmi iyo isticmaal alaabta fanka, dhis qaabab, ka qeybqaado muusiko, draama iyo hawlaha dhaqaaqa.  Dhiirigeli mala awaalka iyo hal abuurka cunugaada xagga sawirada, dhismaha, heesaha, ku wareegga muusikada, iyo jilidda sheekooyinka.
 

Isticmaal alaab iyo qalab kala duwan

si aad u soo saartid murqaha waaweyn iyo kuwa yaryar.
 Waxaad fursado siisaa cunugaada in uu jimicsado iyo in uu isticmaalo murqaha (tusaale ahaan orodka, korista, cayaarta kubadda (tusaale ahaan isticmaalka karayoonka ama calaameeyeyaasha, cajiinka lagu cayaaro, xujada ama alaabta ilmaha iu cayaarto ee iyaga ku jirka ah.)


Waxaad tahay macalinka ugu muhiimsan cunugaada.

Guddiga Dugsiga Dagmada Toronto (District School Board) wuxuu ku rajo weyn yahay in uu kula shaqeeyo adiga iyo cunuggaaada sannad 

dugsiyeedka xiga iyo sanooyinka soo socda.

 

© 2014 Toronto District School Board  |  Terms of Use  |  CASL