Toronto District School Board
Toronto District School Board

Health and Physical Education Curriculum

Manhajka Waxbarashada Jimicsiga iyo Caafimaadka oo Dib-loo hagaajiyey

Bishii Fibraayo 2015, Wasaaradda Tacliinta waxat sii saartatay manhajka waxbarashada jimicsiga iyo caafimaadka oo dib-loo hagaajiyey oo loo saaray dhammaan guddiyada iskuullaadka Ontario. Guddiga waxaa laga doonayaa in manhajka ay hirgeliso wixii ka bilowda bisha Seteember ee 2015.

Manhajka wax ayaa laga bedelay si wax looga qabto arrinka iminka taagan ee la xiriira caafimaadka iyo fayo-qabka ardayga, iyo in si wanaagsan loogu dabaqo dadwaynaha kala kala jinsiyaddaha ah oo is-sasoo taraya ee reer Ontario. Waxyaabahan la soo bedelay oo waxaa ku jira macluumaad ku saabsan xiriirrada caafimaadeysan, ansixinta, caafimaadka maskaxda iyo ammaanka qatka internetka.

TDSB waxaa ka go'an ammaanka iyo guusha ardayda kasta. Waxaa muhiim ah in waxa iskuulladeena aan ka dhigno ahaadaan wax iminka jira, quseeya oo da'da ku haboon si markaa ardaydeena aan ugu fidinno macluumaadka ugu wanaagsan ee suurtogalka ah si ay u gaaraan go'aanno wax ku ool ah oo ku saabsan caafimaadkooda iyo fayo-qabkooda. Waxa kale oo waliba muhiim ah in manhajka aan dhigno yahay mid ardaydeena oo dhan laga qaybgeliyo oo ayna muuqataa uqataa uheellanaanta Guddiga oo ah ka qaybgelin iyo sinnaan.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dhigista manhajka waxaa lala wadaagi doonii waalidiinta bisha Seteember 2015 ka hor.

Isla-mar ahaantaas, waalidiinta waxaa lagu dhiiri-gelinnayaa in ay aqriyaan manhajka oo buuxa iyo ilaha waalidka, oo aad ka helaysid bogga internetka ee Wasaaradda.

Haddii aad qabto su'aallo dheeraad ah oo ku saabsan waxa manhajka ku qoran, Wasaaradda Tacliinta fadlan kala soo xiriir 416-325-6870.

Xaqiiqooyin Muhiim ah:

  • Doorka Wasaaradda Tacliinta waxay tahay in manhaj ay soo saarto oo doorka guddiga iskuulka ayuu wuxuu yahay in manhajka ay hirgeliso. TDSB wax kontorool ah kuma la ha manhajka waxa ku qoran.
  • Shaqaalaha TDSB waxaa ka go'an in manhajka cusub ay ardaydu u baraan qaab tixgelin iyo xirfad ay ku jirto kaasoo ah mid kobciya oo da'duna ku haboon.
  • Manhajka oo buuxa, tilmaamaha waalidka iyo xaqiiqooyinka deg degga ah waxaa laga heli karaa bogga internetka ee Wasaaradda Tacliinta. Boggeena internetka sidoo kale waxaa ku jira xiririyayaal [links] aad kala soo baxi kartid dukumentiga tilmaamaha waalidka oo ku tarjuman lu'qaddan soo socda: Carabic, Shinees Simplified, Siinees Traditional, Faarsi, Boolish, Bunjaabi, SSoomaali iyo Urduu.
© 2014 Toronto District School Board  |  Terms of Use  |  CASL