Toronto District School Board
Toronto District School Board

Governance/Trustees

Maamulka/ Wakiilada

Guddiga Iskuulaadka Deegaanka Toronto (TDSB), waa guddi wakiillo ah oo ay tiradoodu gaaraso labaatan-i-laba wakiil oo Toronto oo dhan laga soo doorto waxaan loo soo dortay in ay u doodaan horrumarinta waxbarashada iyo fayo-qabkka carruurta. Wakiilada la soo doorto muhiim ah ayay ka ciyaaraan oo ay waxay isku xir u yihiin jaaliyaddaha maxalliga ah ee reer Toronto iyo iskuullaadka TDSB iyaga oo la shaqaynaya waalidiinta/mas'uuliyiinta iyo jaaliyadda si Guddiga ay usoo bandhiggaan arrimaha iyo tabashooyinka ay soo jeediyaan si looga wada hadlo oo go'aanna looga gaaro.

Doorka wakiillada TDSB ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah:

  • in ay ansaxiyaan miisaanadda TDSB;
  • in ay go'aan ka gaaraan sharciyada iyo hanaanka loo raaco oo lagu hormariyo in ardayda oo dhan ay helaan waxbarasho tayo leh;
  • in la hubiyo heerar sar sare oo ardayda ay gaaraan horrumar dhanka waxbarashadooda; iyo
  • in ay ula shaqeeyaan dowladda gobolka si loo hubiyo in Guddiga ay ka soo baxayaan waajibaadkooda maaliyaddeed iyo sharciga degsan.

Waxbadan oo ku saabsan wakiilka xaafaddaada laga soo doorto waxaad ka baran kartaa adiga oo booqda boggooda internetka ama adiga oo ka waca telfoon lambarka ah 416-395-8787.

© 2014 Toronto District School Board  |  Terms of Use  |  CASL