Toronto District School Board
Toronto District School Board

Frequently Asked Questions

Dugsiga Xanaanada

TDSB

Su'aalaha Badanaa La Isweyddiiyo

1. Yaa tagi kara xanaanada?

Cunug kasta oo ku nool Toronto waxaa lagu soo dhaweynaa in uu yimaaddo dugsiga TDSB. Si loo tago Xanaanada Hore bisha Sebtembar, carruurta waa in ay jiraan afar sano marka la gaaro Disembar 31 sannadkaas. Si loo tago Xanaanada Sare bisha Sebtembar, carruurta waa in ay jiraan shan sano ugu dambeyn Disembar 31 sannadkaas.

2. Yaa cunugga qori karaa xanaanada?

Waalid ama ilaaliyaha sharciga ah oo keliya ayaa cunugga qori kara xanaanada.

3. Goormaan cunugeyga ku qoraa xanaanada?

Diiwaan gelinta xanaanada waxay bilaabataa Febraayo, waxayna socotaa sannad dugsiyeedka oo idil. Dugsi kasta wuxuu qorsheystaa diiwaan gelin khaas ah; fadlan la xariir dugsiga xaafaddaada si aad u ogaatid taariikhda iyo waqtiyada la cayimay. Fadlan xusuuso: hawlaha arjiga French Immersion waxaa la qabtaa Janaayo sannadka uu cunugaada ku jiro Xanaanada Hoose.

4. Dugsigee loo baahan yahay in cunugeyga uu tago?

Si aad u ogaatid dugsiga loo baahan yahay in cunugaada uu tago, wac 416.394.7526 ama booqo tdsb.on.ca kaddibna riix Find Your School dhanka kore bogga.

5. Maxaa dhaca haddii aan rabo in cunugeyga uu tago dugsi ka duwan dugsiga xaafadda la igu qoray?

Waxaad arji u qoran kartaa dugsiyada ka baxsan agagaaraha marka la adeegsado Siyaasadda Dugsi Tagidda Qofku u Doorto (Optional Attendance Policy) lagana helo tdsb.on.ca. Fadlan xusuuso in dugsiyo badan aan laga helin dugsi tagidda qofku u doorto taasoo ugu wacan boosaska oo kooban. Waxaad la xariiri kartaa dugsiga aad dooratay si aad u ogaatid haddii ay furan tahay qabashada arjiyada dugsitagidda qofka u doorto.

6. Goormaan ku qori karaa cunugeyga French Immersion?

Barnaamijka Hore French Immersion wuxuu bilowdaa Xanaanada Sare. Fursadaha French Immersion waxaa kaloo laga heli karaa Barnaamijka Middle Immersion, ee bilowda Darajada 4aad. Si aad u heshid macluumaad intaa ka badan, fadlan booqo tdsb.on.ca > Elementary School > School Choices > French Programs.

7. Maxuu yahay macluumaadka aan u baahanahay si aan cunugeyga ugu qoro xanaanada?

Si aad cunugaada ugu qortid xanaanada, fadlan keen caddeynta:

  • da'da (shahaadada dhalashada ama diwaanka wadaadada ama baasaboor)
  • cinwaanka (labo aqoonsi oo muujiya cinwaankaada, sida biilasha telefoonka, shattiga baabuurka lagu wado, iwm.)
  • talaalada (kaarka muujiya liiska cirbadaha lagu duray cunugaada)

8. Maxaa dhacaa haddii cungeyga uu ku dhashay dibadda Canada?

Haddii cunugaada uu ka dhashay dibadda Canada, waxaa loo baahana caddeyn ku saabsan taariikhda uu soo galay. Qoysaska si joogto ah u daggan iyo kuwa sheegta qaxootinimada waxay si toos ah isaga diiwaan gelin karaan dugsiga. Dhammaan qoysaska kale waa in ay yimadaan Barnaamijka Caalamiga iyo Xafiiska Ogolaashada (International Program and Admissions Office), 5050 Yonge Street, si loo siiyo Warqadda Oggolaashada Dugsiga (School Admission Letter). Dugsiyadena waa lagu soo dhaweyaa carruurta aan qabin heer socdaal oo mana dhacdo in macluumaadka lala qeybsado awoodaha socdaalka, sida waafaqsan Siyaasadda TDSB P.061 SCH.

9. Maxaa dhaca haddii aan haysanin dhammaan warqadaha kore?

Fadlan qof ahaan ula xariir International Programs and Admissions Office, ama kala xariir telefoonka/email - 5050 Yonge Street (dabaqa kowaad), Tel: 416.395.8120, Email: admissions@tdsb.on.ca.

10. Maxaa dhaca haddii cunugeyga uu qabo baahi waxbarasho khaas ah?

Haddii cunugaada uu qabo baahida waxbarashada khaaska ah kuna sugan yahay in uu galo dugsiga marka kowaad, fadlan wac dugsiga xaafaddaada si aad ballan uga qabsatid agaasimaha iyo wakiilka Waaxda Waxbarashada Khaaska ee TDSB (TDSB’s Special Education Department). Shirkaan, waxaad awood u heli doontaa in aad la wadaagtid baahida, warqadaha loo baahan yahay, iyo waxaad kala hadli kartaa taageerada uu cunugaada ka heli karo dugsiga. Marka aan wada shaqeyno, waxaan ogaan karnaa taageerada iyo ilaha uu cunugaada u baahan yahay si uu ugu guuleysto dugsiga.

11. Maxay yahiin macluumaadka kale uu dugsiga cunugeyga u baahan yahay?

Si dugsiga looga dhigo meel ammaan ah iyo jawi faraxsan oo u roon cunugaada, dugsigaada wuxuu u baahan yahay in uu ogaado:

  • magaca cunugaada loogu yeero, haddii taasi ka duwan tahay warqadaha rasmiga
  • xasaasiyadda iyo/ama dhibaatooyinka kale ee caafimaadka
  • nambarada telefoonka iminka jira (guriga, shaqada, gacanta) ee waalidka (waalidiinta)/ilaaliyaha (ilaaliyeyaasha) uu cunugga la joogo iyo qofka cunugga ka soo qaada dugsiga.
  • magaca iyo nambarka telefoonka bixiyaha daryeelka cunugga
  • Magaca iyo nambarka telefoonka degdeg ahaan lagala xariiro
  • magacyada wiilasha walaalaha iyo/ama gabdhaha walaalaha ee taga dugsiga.
  • luqadda (luqadaha) looga hadlo guriga
  • xaalad kasta oo sharci ama shakhsi ah ee laga yaabo in ay saameyso cunugaada

Waa muhiim in macluumaadkaan uu ahaado mid casriyeysan. Fadlan ogeysii dugsiga marka wax iska baddalaan macluumaadka kore inta lagu dhex jiro sannad dugsiyeedka.

Sida qeyb ka tirsan habka diiwaan gelinta dugsiga, waxaa lagu weydiin doonaa in aad soo dhamaystirtid Foomka Taariikhda Koriimada. Foomkaan waxaa loo adeegsadaa in lagu aruuriyo macluumaad muhiim ah oo ku saabsan maslaxadda iyo horumarka cunugaada. Waxay macallinka ku kaalmeyn doontaa qorsheynta barnaamijka si loola kulmo baahida cunugaada.

12. Caruurta maxay ka bartaan xanaanada?

Xanaanada, carruurta waxay wax ku bartaan jawi waxbarashada oo ku dhisan cayaar oo lala qaato koox tababbareyaal ka jawaaba su'aalaha kuwasoo qorsheya waayaha waxbarashada ee horumariyo su'aalo iyo fakarka nidaamka sare xagga lex qeybaha waxbarashada: luqadda, xisaabta, sayniska iyo farsamada, shakhsiga iyo horumarinta bulshada, hawlaha caafimaadka iyo jimicsiga, iyo fanka.

Inta lagu dhex jiro barnaamijka labada sanno, carruurta waxay bartaan xakameynta naftooda, iyo waxay qaataan xirfadaha akhriska iyo nambarada, isla markaasna waxay dabeecad wanaagsan u yeeshaan waxbarashada iyo dugsiga. Waxaa jira fursadaha xanaanada maalinta ee la siiyo carruurta si ay u sahmiyaan xarumaha waxbarashada laga helo sheekada, qorista, xisaabta, qeybta buugaagta, rinjita iyo fanka muuqda, iyo ku shaqeynta carrada, biyaha, iyo blogyada dhismaha.

Laga bilaabo Sateembar, 2014, barnaamij kasta oo ka jira xanaanada wuxuu ku saleysnaan doonaa Barnaamijka Xanaanada Waxbarashada Hore Maalinta Buuxda (Full-Day Early Learning Kindergarten Program), Qoraalka Draaftiga 2010-2011 (edu.gov.on.ca).

13. Sidee ayaan ugu lug yeeshaa waxbarashada cunugeyga?

Waxaa jira siyaabo badan oo aad si firfircoon uga qeybgeli kartid waxbarashada cunugaada, aadna cunugaada ku kaalmeyn kartid in uu ku guuleysto dugsiga.

  • Waxaad cunugaada maalin kasta kala hadashaa dugsiga.
  • Wax u aqri cunugaada.
  • Ammaan cunugaada si uu u yeesho kalsooni.
  • Xasuuso xoogaa cunugaada iyo meelaha laga yaabo in ay uga baahan yahiin hagaajin. Macallinka la qeybso macluumaadkaan.
  • Tag shirarka waalidka macallinka.
  • Ka qeybqaado hawlaha dugsiga iyo guddiga dugsiga.
  • Taageer barnaamijka fasalka adiga oo ku shaqeeya iskaa wax u qabso.

14. Sidee ayaan ku ogaan karaa shaqada uu cunugeyga ka qabto dugsiga?

Macalinkaada ayaa siyaabo badan kuula soo xariiri doono inta lagu dhex jiro sannad dugsiyeedka, si rasmi ah iyo si aan rasmi ahayn. Wareysiyada waalidka-macallinka iyo kaararka warbixinta, macallinkaada wuxuu idinla qeybsan doonaa horumarka iyo waxqabadka cunugaada. Badamaa aad si fiican u taqaanid cunugaada, waxaa kaloo laguugu dhiirigelinaa in aad macluumaadka ugu dambeeyo la wadaagtid iyo in aad la xariirtid macallinkaada inta lagu dhex jiro sannad dugsiyeedka.

15. Maxay yahiin barnaamijyada dugsiga ka hore iyo dugsiga kaddib ee la heli karo?

Febraayo kasta, waxaan waalidiinta/ilaaliyeyaasha ardayda Xanaanada Hoose iyo Sare wareysanaa xiisada ay u qabaan barnaamijka dugsiga ka hore iyo dugsiga kaddib ee la siiyo ardayda xanaanada. Barnaamijyadaan waxaa maamula bixiye saddaxaad oo daryeelka cunugga ka bixiya dugsiga. Barnaamijka waxaa la bixiyaa 7:00 a.m. ilaa 9:00 p.m. iyo 3:30 ilaa 6:00 p.m. - inkastoo uu isbaddali karo waqtiga barnaamijkaan.

Waalid/Ilaaliye ahaan, waxaa lagu siin doonaa wareysiga dugsiga ka hor iyo dugsiga kaddib marka aad cunugaada ku qortid xanaanada dugsiga xaafadaada. Fadlan xasuuso in aad dugsiga u soo gudbisid wareysigaada oo dhamaystiran ugu dambeyn dhamaadka Febraayo. Waxaa lagu ogeysiin doonaa Abriil haddii dugsigaada uu xiiso ku filan u qabo barnaamij ama haddii kale.

© 2014 Toronto District School Board  |  Terms of Use  |  CASL