Toronto District School Board
Toronto District School Board

Caring and Safe Schools

Daryeelka iyo Ammaanka Iskuullada

TDSB waxaa ka go'an in ay fidiso oo ay abuurto bay'ad waxbarasho oo daryeel, ammaan, nabadgelyo, barbaarin, hubaal, texgelin, iyo in ardayda oo dhanna loo ogolaado in ay gaaraan ixtimaalkooda buuxa.

Goorta iskuulku uu yahay iskuul ay ka jirto jawi la isku hubo, dhammaan jaaliyadda iskuulka oo dhan waxay dareemaan ammaan, ogolaansho iyo gacan ka geysasho dhaqan mirodhalleh iyo isdhexgal. Labadii sannadba, Guddigeena waxay sameeyaan Rayi-ururin Jawiga Iskuulka oo iskuuladeena ku saabsan taasoo loogu danleeyahay in la isku keeno rayiga ardayda, shaqaalaha iskuulka iyo waalidiinta iyagoo laga warysanaya jawiga iskuulkooda. Natiijada ka soo baxda rayi-ururintan ayaa waxay noo ogolaataa in go'aanada aan qorshaynayno ay noqdaan kuwa naga caawiya in laga hortago xoog isu sheegashada iyo in gacan laga geysto in iskuulada ay u noqdaan meel ammaan ah oo dhammaystiran.

Si aan wax uga qabanno in la dhiso bay'ad iskuul oo la isku hubo, waxaan meeldhignay barnaamijyo ka hortag oo dhowr ah iyo hal-abuuryo ah iskuulaad ammaan ah. Si aad wax badan uga ogaato, fadlan aqri waxyaabaha ku saabsan barnaamijyada ka hortagga waxaan bixinaa.

Ardayda oo dhan waxaa hagaya oo qabanaya xeerka Xeerka Aqlaaqda Guddiga oo waxaa laga filayaa in si cad ah u muujiyaan tixgelin ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda bulshada.

Wax badan ka Oggow

Aqri Warbixinta Amniga iksuulka iyo ka Qeybgelinta Jaaliyaddaha warbixinta tallooyin ayay soo jeedisay oo ah sida TDSB ay uga jawaabi la'hayd tallooyinka iyo sida ugu wanaagsan ee ay gacan uga gaysan la'hayd ammaanka iyo daryeelka ee dhammaan ardayda iyo shaqaalaha, labadaba ka hor iyo kadib marka ay dhacaan dhacdo naqdisan Shaqaalaha waxxay fidin doonaan jawaabcelin tallooyinka guddiga ee Dayrta ee 2015.

Sannad kasta inta lagu jiro todobaadka labaad iyo todobaadka seddexaad ee bisha Seteember waa todobaad TDSB ay ugu yeerto Todobaadka Daryeelka iyo Ammaanka Iskuullada. Inta lagu jiro waqtigan iskuullada waxay soo jeediyaan hal-abuuryo gacan ka geysan kara wanaajinta jawiga iskuulka iyo dabbaaldegga wadashaqaynta heerka sare ah iyo barnaamijyada gacan ka geysta tixgelin iyo kala dambayn iskuulladeena ka dhaca.

Booqo Ka hortagga Rabshadaha Jinsiga Salka u Ah ama Iskuulladaha Siman oo Middeysan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo sida sida wadajir ee aan ugu shaqayn karno in aan gacan ka geysano in iskuulladaheena laga hirgeliyo xiiir iskaashi oo iijaabo leh.

Ma doonaysaa in aad barato sida aad kaalin uga geysan kartid Guddiga Daryeelka iyo Ammaanka Iskuulka? Fadlan maamulahaaga iskuulka kala hadal.

Aqri xeerarka iyo hanaanka ee la xiriira in TDSB laga dhigo iskuullo ammaan iyo daryeel leh. Ama Aqriso Warbixinteena Sannadlaha ah ee Ammaanka iyo Daryeelka Iskuullada si aad wax uga ogaato sida barnaamijyadeena ay u shaqaynayaan.

Ma waxaad raadinnaysaa macluumaad ku saabsan hanaankeena ku aaddan ka cayrinta iyo iskuul ka saarista? Fadlan booqo qayta ka hadlaysa xeerarka iyo hanaanka.

Ma qabtaa wax welwel ah ama su'aallo? Fadlan raadraac Hab-maamuuska Welwelka Waalidka, la hadal maamulahaaga ama la taliyaha ardayda ama la xiriir xubin ka tirsan Kooxda Ammaanka iyo Daryeelka Iskuullada.

© 2014 Toronto District School Board  |  Terms of Use  |  CASL