Toronto District School Board
Toronto District School Board

About The Program

Dugsiga Xanaanada

TDSB


Ku Saabsan Barnaamijka

Bilaabidda dugsigu waa waqti u wanaagsan nolosha cunuggaaga. Markuu joogo TDSB, cunugga wuxuu heli doonaa fursado badan oo uu wax ku barto,  xirfado cusubna ku dhisto oo u ku samaysto samaysto asxaab cusub. 

Barnaamijkena Xanaanada Maalinta Buuxda (Full-Day Kindergarten Program) wuxuu bixiyaa jawi waxbarasho ammaan ah oo buuxa loona sameyay si cunug kasta loo siiyo bilowga ugu wanaagsan ee suurtogalka ah. Waxaan wax ku dhisnaa farsamada waxbarashada ku dhisan cayaarta iyo weyddiinta su'aalaha si aan u taageerno fursadaha koriimada oo leh lix qeybood oo furo u ah waxbarashada: xisaabta, sayniska iyo farsamada, horumarinta shakhsiga iyo bulshada, hawlaha caafimaadka iyo jirka, iyo fanka.

Luqadda
Carruurta ayaa:

  • yeelan doona xirfadaha akhriska aasaasiga;
  • qeybsan doona fikradaha hadalka, sawirka, rinjiga iyo qorista; iyo,
  • baran doona si wax loo akhriyo si madax bannaan.

Xisaabta   
Carruurta ayaa:

  • baran doona sida wax loo tiriyo, cabbiro, loo kala saaro iyo loo kala magacaabo;
  • yeelan doona xirfadaha kala dhigdhigga marka uu aqoonsado iyo abuuro saansaanno; iyo,
  • lahaan doona xirfadaha xallinta masalooyinka,  qeybsan doonaan fikradaha oo ay ka hadli   
    doonaan waxay arkaan.

Sayniska iyo Farsamada 
Carruurta ayaa:

  • ogaan doona sida farsamadu u kaalmeyso dunidena, looguna adeegsado sahan iyo dhimso;
  • samayn doona tijaabo ay ugu adeegsadaan xirfadaha weyddiinta su'aalaha (weyddiinta su'aalaha, qorsheynta, saadaalinta, fiirinta iyo isgaarsiinta); iyo
  • sahmin doonaoo daneey doona dunida dabiiciga ah.

Horumarinta Shakhsiga iyo Bulshada  
Carruurta ayaa:

  • yeelan doonaan xirfadaha ay u baahan yahiin si ay ugu guuleystaan dhexgalka asxaabtooda iyo dadka waaweyn;
  • aqoonsan doonaan iyo waxay jawaab ka bixin doonaan dareenka dadka kale; iyo,
  • baran doonaan in ay xushmeyaan iyo in ay soo dhaweyaan kala duwanaanta shakhsiyaadka.

Caafimaadka iyo Jimicsiga  

Carruurta ayaa:

  • ka qeybgeli doona hawlo maalmeedyada dhisa xoogga israacsananata iyo dheelli-tirka jirka, 
    iyo caadidi aahnba caafimaadka; iyo
  • kana hadli doona xulashooyinka raashinka caafimaadka iyo muhiimadda dhaqdhaqaaqa.


Farshaxanka
Carruurta ayaa:

  • soo jeedin doona hal abuur iyo mala-awaal iyaga oo u adeegsada fanka, muusikada,
    sheekada draama iyo dheesha;
  • qeybsan doona fikradaha iyo ra'yiga ku saabsan qaababka fanka kala duwan; iyo,
  • baran doona hiddaha kala duwan ee ka jira dunida, kana midka yahay midka iyaga u gaarka ah.

Waxbarashada Ku Saleysan Dheesha

Waxbarashada loo adeegsado dheesha iyo weyddiinta waxay xoojisaa koriimada hore ee cunugga - gaar ahaan xagga xirfadaha xallinta masolooyinka, fakarka heerka sare, hal abuurka iyo yeelashada xirfadha bulshada. Macalimiiintena waxay qorshe u samaystaan waayaha waxbarashada halkaas ay carruurta sida firfircoon uga qeybgalaan samaynta iyo fakarka.

Si in intaa ka badan wax looga ogaado  dugsiga xanaanada laga qaato TDSB, kana mid ah Barnaamijka Dhex-Gelinta Faransiiska Hore (Early French Immersion Program), fadlan booqo tdsb.on.ca/kindergartenrning 

© 2014 Toronto District School Board  |  Terms of Use  |  CASL