Toronto District School Board
Toronto District School Board

Home

Ku soo dhowoowda Guddiga Iskuulaadka Deegaanka Toronto [Toronto District School Board]

Guddiga Iskuulaadka Deegaanka Toronto [The Toronto District School Board (TDSB)] waa nidaam iskuul oo loo wadadhan yahay. Oo sannad kasta iskuulladeena waxaa lagu soo dhoweeyaa kumanaan kun oo ah arday cusub oo ka kala yimid dunnida dacaladeeda. Bogga internetka waxaa jira qayb ay ku qoran tahay macluumaad muhiim ah oo TDSB ku saabsan, sida iskuulladeena loo helo, sida ardayda cusub loo diinwaangeliyo iyo Su'aalaha Markasta La Isweydiiyo. Macluumaadka halkaas ku qoran 22 luqadood oo kala duwan ayaa lagu tarjumay.

Haddii bogga internetka ee TDSB aad ka raadinayso macluumaad ku qoran luqadda Ingiriiska, waxaad ula tagi kartaa xafiiska iskuulkaaga halkaasoo shaqaalaheena ay kaa caawin karaan in tarjumaan ay kuu qabtaan ama dukumentiga laguu tarjumo.

Haddii aad tahay qof ku cusub degaanka Toronto oo aad u baahan tahay gargaar dheeraad ah, waxaad booqan kartaa mid ka mid ah seddexda meel ee TDSB oo ah Xarumaha Soodhowaynta Dadka Cusub [Newcomer Reception Centres]. Xarumaha Soodhowaynta Dadka Cusub waxay adeegyo dib u dejin oo bilaash ah ay siisaa soo galootiga cusub ee qaangaarka ah, dhalinyarta, duqowda iyo shaqsiyaadka laxaadka la'.

Shaqaalaha jooga Xarumaha Soodhowaynta Dadka Cusub ayaa waxay kaa caawin karaan fasallada sharciga dhalashada, guryaha, luqadda, sida loo kala hago nidaamka waxbarashada, macluumaadka xirfaddaha shaqo, kaalmo dhanka shaqo raadinta, caqlicelin, macluumaad dhanka caawimaad xaga kharashka qareenka, adeegyada bulshada, dhaqaalaha iyo miisaaniyadda, xuquuqda milkiilaha iyo kirestaha, xuuqda uu leeyahay shaqaalaha, aqoonkororsi xirfadda kor loogu qaadayo, iyo adeegyada turjumaanka.

Inagu halkan waxaan u joognaa in aan ku caawino! Waxbadan oo ku saabsan adeegyada iyo kaalmada aan siino dadka soo galootiga ee ku cusub TDSB iyo Toronto.

Boggan internetka qoraalada ku qoran si joogto ah ayaan u soo gelinaa wixii macluumaad ah oo soo kordha, sidaa darteed fadlan mar kale soo booqo.

© 2014 Toronto District School Board  |  Terms of Use  |  CASL